Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo soo bandhigtay cidda xiisadda badda ee Soomaaliya kaga hiilineysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya oo u muuqato in looga guulsan rabo  Dacwadda Badda ee taalo maxkamadda ICJ taasoo kala dhaxeyso Somalia ayaa maalin kasta soo bandhigeyso warbixino iyo waxyaabo muujinayo inay heysato guuldaro.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa markaan soo badhigtay cidda kaga hiilineyso Dacwadda Badda ee Soomaaliya kala dhaxeyso ayna taas qabaan walaac weyn,

Waxay sheegtay in hey’ado ganacsi oo wadamo kale ka tirsan ay Soomaaliya la safteen iyagoo fiirinayo faa’idada ay ka helki doonaan xuduuda muranka ay Kenya gelisay oo laga helay shidaal badan.

Wasiirka ayaa sheegtay inay arrintaas sii hurineyso xiisadda labada dalka ka dhaxeyso loona baahan yahay in arrintaan loo wajaho qaab diplomaasiyadeed oo ay nabad ku jirto.

Hadalka ay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya ka jeedisay Machadka Royal United Services Institute (RUSI) ee magaalladda London waxay ka dhawaajisay inay Kenya soo jeedisay codsi ku aadan in hab siyaasadeed lagu xaliyo Muranka, inta laga door-bidi lahaa in Maxkamadda ICJ lagu kala baxo.

Waxay kaloo tilmaamay in Khilaafka Muranka Badda uu horseedi karo inay dowladaha Gobalka joojiyaan in diirada la saaro La-dagaalanka Alshabaab iyo Burcadda Badda, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Monica ma ayaan xusin magacyada hey’adaha ay ku eedeysay inay hurinayaan xiisadda Somalia iyo Kenya balse kaliya waxay sheegtay inay yihiin hey’ado iyo shirkado ajaanib ah.

Waxaa laga yaabaa inuu xiriir ka dhaxeeyo hadalka hadda kasoo yeeray Monica midkii hore oo ahaa inay Kenya dacwad cabasho ah ka gubineyso Norway iyo Ingiriiska oo ay ku eedeysay inay la safteen Soomaaliya.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Kenya waxaa loo doortay Guddoomiyaha Kooxda Isla-xiriirka ee Burcadda ka qowleysata Xeebaha ka baxsan Somalia, waxayna magacaabistaasi ku soo beegantay iyadoo ay Kenya sheeganayso qeyb ka mid ah xuduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this