Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar ka tirsan beelaha dega Galmudug oo sheegay inuu godob ka galay Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Balanbal (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo safaro nabadeed kusoo kala bixinayey deegaanada Galmudug ayaa la filayaa inuu safarkiisa kusoo gabagabeeyo Magaalada Dhuusaamreeb oo uu Xalay kusoo noqday.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa safaro dhulka ah kusoo kala bixiyey deegaano badan oo ka tirsan Galmudug sida: Dhuusamareeb, Cadaado, Cabudwaaq iyo Xeraale.

Qaar ka tirsan Beelaha dago deegaanada Galmudug ayaa Ra’isulwasaare Khere ku eedeeyey inuusan u cadaalad falin booqashada uu ku sameenayey deegaanada Galmudug isla markaasna ay jiraan deegaano uu iska indha tiray inuu tago.

Qaar ka tirsan Odayaasha Degmada Balanbal oo lasoo xiriiray Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegay inuu Ra’isulwasaaraha iska indha tiray inuu booqasho ku yimaado Degmada Balanbal oo ay hoos tagaan Xiraale iyo Guriceel.

Odayaasha ayaa Ra’isulwasaaraha ku eedeeyey inuu booqday Xeraale isla markaasna uu si ula kac ah uga soo gudbay Degmada Balanbal oo qiyaastii 10km u jirto Xeraale.

Odayaasha ayaa sheegay inuu safarka Ra’isulwasaaruhu ahaa mid lagu doonayey inu lagu soo dhiso Galmudug lagu wada qanacsan yahay balse uu arrintaas si cad u garab maray markii uu isku qalday Cabudwaaq iyo Balanbal sida ay hadalka u dhigeen odaayasha dhaqanka ee la hadlay Caasimadda Online.

Ra’isulwasaaraha ayaa lagu eedeeyey inuu soo garab maray Balanbal iyo Guriceel isla markaasna ay arrintaas tahay mid aan la aqbali karin sida ay sheegeyn odayaasha oo qabo inay markii horeba dowladda Soomaaliya godob ka gashay Degmadaas oo u muuqato inay qariirad ahaan xataa mugdi sii galeyso oo ku darsoomi rabto Itoobiya.

Odayaasha ayaa ku doodayo in Degmadaan ay tahay mid qadiimo ah oo la sameeyey sanadkii 1978 ayna aheyd inuu Ra’isulwasaaraha ahmiyad siiyo uuna booqasho ku imaado halkaas.

Odayaasha ayaa tilmaamay in Balanbal iyo deegaanada hoostago ay ka taagnaayeen colaado soo dhex maray Beelaha ayna aheyd inuu Ra’isulwasaaraha safar ku tago si la isugu soo dhaweeyo Beelaha isla markaasna ay qeyb weyn ka qaataan dhismaha Galmudug dhameystiran.

Magaalada Guriceel ayaa qorshaha ugu jirtay inuu Ra’isuwlasaaraha booqasho ku tago inkastoo aan la ogeyn sababta keentay inuusan tagin balse marnaba qorshaha Kheyre ee Safarka Galmudug kuma jirin Balanbal iyadoo aan la ogeyn sababta uu Kheyre isaga indha tiray inuu halkaas booqasho ku tago.

Ugu dambeyntii waxaa jiro deegaano badan oo ka tirsan Galmudug oo uusan Ra’isulwasaare Kheyre tagin sida Hobyo, Gaalkacyo iyo qaar kale oo ku jiro gacanta Al-Shabaab sida deegaanada uu Ra’isulwasaaraha kasoo jeedo.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this