Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga UCID Warqad Furan U Diray Madaxweyne Biixi, Maxaa Ku Qoran?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Warqad furan toos ugu diray Madaxweynaha Somaliland, waxaanu u soo jeediyey inuu kala diro Goleyaasha Deegaannada Dalka.

Warqaddan furan oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn waxa loogu dhaliilay Shaqada Goleyaasha deegaanka, waxaana lagu sheegay in aanay waajibkoodii uga soo bixin sidii la rabay.

UCID waxa kale oo uu Warqadda furan ee uu u diray Madaxweynaha ku sheegay in sababaha ay Marmarka qaarkood u garab istaagaan Xukuumaddiisu in aanay ahayn inay ku qanacsan yihiin siday wax u socdaan.

Halkan Hoose ka akhriso Warqadda Furan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this