Sign in to follow this  
Deeq A.

LONDON: Haweenay Uur Leh Oo Midi Lagu Dilay iyo Ilmihii Yaraa Oo Xaalad Culus Ku Jira

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Haweenay 26 jir ah, oo lagu qiyaasay in sideed bilood ay xaamilo ahayd (uur lahayd) ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday Midi, sida ay sheegeen ciidamada bileyska ee dalka Ingiriiska ee Metroplitan Police.

190630065852-croydon-stabbing-02-exlargePolice officers at the scene in Raymead Avenue, Thornton Heath, Croydon where a women who was around eight months pregnant was stabbed to death. PRESS ASSOCIATION Photo. Picture date: Sunday June 30, 2019. See PA story POLICE Croydon. Photo credit should read: Kirsty O’Connor/PA Wire

Kiiskan lagu weeraray haweenaydan ayaa noqonaya falkii ugu dambeeyey ee Mindi loo adeegsaday ee dhaca saacadihii la soo dhaafay, waxaana markii dambe magaceeda lagu xaqiijiyey haweenaydan la dilay inay tahay Kelly Mary Fauvrelle taas oo ku dhimatay Thornaton Heath, oo ku taala Koonfurta London.

sIDIQ-KHAN-1.jpg

Hase yeeshee hanaanka dagdaga ah oo lagaga soo saaray ilmihii yaraa ee caloosha ku jiray ayaa hada ku jira xaalad adag cusbitaalka gudihiisa kadib markii hooyadii ay noqotay dhibanihii u dambeeyey ee dabiyada midida ee maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayey magaalada London.

“Tani waa dhacdo naxdin badan in hooyo sidaa u da’yar ay nolosheeda waydo ilmaheedii yaraana uu xaalad adag uu ku sugan yahay,” sidaasi waxa yidhi Madaxa Baadhista Mick Norman oo warbaahinta la hadlay.

Falkan foosha xun ayay ciidamada Bileyska ee Metropolitan Police ay sheegeen in loo xidhay nin 29-jir ah, kaas oo looga shakisan yahay dilkaasi waxaanu wakhtixaadiran ku jiraa xabsi.

Inkastoo bileysku ay markii hore xidheen nin 37 jir ah balse markii dambe ayaa damaanad lagu sii daayey waxaana ku socda baadhis.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this