Cowke Posted June 20, 2010 JUURILE:-Dab Bur Buriyey Guryo ay Degganaayeen Dad Baracayaal ah oo Maanta Qabsaday Qayb Kamid ah Kaamka Boqolka Buush ee Bossaso. Dab gaystay khasaare hantiteed ayaa waxa uu saaka abbaarro 10-kii subaxnimo qabsaday qayb kamid ah Kaamka Boqolka Buush ee Magaalada Bossaso kaasi oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo kasoo barabaxay koonfurta Soomaaliya iyo kililka shanaad ee Itoobiya. Dabka ayaa waxa uu ahaa mid aan lamid ahayn kuwii horay uga kiciyey xeryaha barakacayaasha ee Magaalada Bossaso waxaana uu ahaa mid aan sidaasi u weynayn inkastoo laga hortegay isaga oo aan gaysan khasaare baahsan Dhanka khasaaraha ayaa dabku waxa u cagta mariyey isla markaana baab'iyey dhamaan wixii dhex oolaa 6 guri oo kamid ah kuwa ay deggan yihiin dadkii ku noolaa Kaamka uu dabku kacay ee Boqolka Buush. Ciidanka Dab demiska ee Magaalada Bossaso ayaa wax yar kadib bilowga dabka waxa ay tageen goobta uu dabku kacay waxayna isla markiiba ku guuaysan in ay dabka demiyaan isaga oo aan yeelan awood badan. Qar kamid ah dadkii Degganaa goobta uu dabku ka kacay ayas waxa ay saxaafadda u sheegeen in aan ilaa iyo hadda laga warqabin waxa dabka dhaliyey hase yeeshee looga shaki qabo in uu ka dhashay mid kamid Buushashka gubtay oo uu dhex oolaa dab nool iyadoo ay xilligaasi ka maqnaayeen Guriga Hooyada iyo Aabaha ayna joogeen carruur yar yar oo keli ah. Mid kamid ah dadka ay Guryahu ka gubteen oo lagu magcaabo C/fataax ayaa uu sheegay in dabku uu maanta baabi'iyey Gurigiisii isla markaana uusan garanayn wax dabka dhaliyey isaga oo ka codsaday Dawladda, hay'adaha gar gaarka iyo dhamaan dadweyaha in ay laso gaaraan gar gara deg deg maadaama ay soo fuudsaartay xaalad adag. "ILaa iyo iminka magarnaayo wax dabka dhaliyey saaka ayaa Magaalada u shaqa tegay, hadda dhow ayaan maqlay in Gurigii gubtay sidoo kale Hooyada Guriga iyadana waxa ay ku maqnayn shaqo, Gurigana waxaa joogay ciyaalka oo keli ah Alle mahadiis Carruurta waxba magaarin ee waxa agebi ahaanba baaba'ay Gurigii iyo Guryahii kale ee ka agdhowaa", ayuu yiri C/fataax oo kamid dadka uu maanta dabku haleelay Dabka maanta qabsaday Kaamka Boqolka Buushe ee Magaalada Bossaso ayaa waxa uu noqonaayaa kii labaad oo qabsada Kaamkaas ilaa Bishii March sanadkan oo uu halkaas ka dhacay dabka cagta mariyey in ka badan 1,100 oo Guri sidoo kale dabkan ayaa waxa uu noqoyaanaa kii saddexaad ee muddo ka yar saddex asbuuc ka kaca Kaamamka Barakacayaasha ee Magaalada Bossas Cismaan Saalax Ismaaciil Cis_ma@hotmail.com Bossaso Puntland Somalia Juurile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Chocolate and Honey Posted June 20, 2010 Awww. Nice. Quote Share this post Link to post Share on other sites