Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo gudbiyay Miisaaniyad ku celis ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland, Xassan Shire Cabdi ayaa maanta Golaha wakiilada  u gudbiyay, ku celiska xisaab-xirka Miisaaniyaddii Puntland ee sannadkii 2018.

Xisaab-xirka uu wasiirka gudbiyay, ayaa xambaarsan keliya dakhligii iyo kharashaadkii dowladda Puntland ee sannadkii 2018 iyo mashaariicdii uu xilligaasi Puntland ka fuliyay Bankiga Adduunka, waxaana Miisaaniyaddan ka maqan mashaariic kale oo uu ku jiro mashruuca JPLG.

Wasiirka ayaa sheegay, in sababta Miisaaniyadda looga reebay mashaariicdaasi ay tahay, maadaama maamulka dakhliga iyo karashaadkooda aysan marin khasnadda wasaaradda Maaliyadda, sida uu hadalka u dhigay.

Miisaaniyadda ku celiska ah ee uu soo gudbiyay wasiirka, waxaa kale oo muuqda is-dhin dakhli oo ballaaran, taasi oo wasiirku ku macneeyay in dagaalladii kala duwanaa ee ka dhacay degaanka Tukaraq iyo sidoo kale abaaro baahsan oo Puntland wakhtigaasi ka jiray, ay la wiiqeen nidaamkii nidaamkii Maaliyadeed.

Halkaan ka daawo wasiirka oo faahfaahinaya Miisaaniyadda

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Maaliyadda Puntland oo gudbiyay Miisaaniyad ku celis ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this