Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo codsaday in mushahaarka loo kordhiyo si ay noloshooda wax uga beddelaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddi uu Baarlamanka Puntland u xil saaray, soo uruurinta talooyinkii guddiyada kala duwan ee Golaha wakiiladu ay ku soo bandhigeen Kal-fadhiga socda, ayaa maanta Golaha u akhriyay soo jeedinno ka soo baxay tala-uruurintaasi.

Guddiga oo ka kooban 5 xubnood ayaa soo jeediyay talooyin qodobaysan oo ku socda xukuumadda Puntland, kuwaasi oo la xiriira dhinacyada; wada-shaqeynta iyo kala qeexidda shaqooyina  hay’adaha dowladda, daah-furnaanta habka fulinta mashaariicda, hufnaanta  hannaanka Garsoorka, kobcinta Dhaqaalaha, Kordhinta mushaharaadka, hirgelinta shuruucda iyo xeerarka, adkaynta amniga iyo difaaca Puntland, horumarinta arrimaha bulshada iyo sidoo kale adeegyada aas’aasiga ah.

Guddiga ayaa xukuumadda Puntland u soo jeediyay, in ay Golaha wakiilada horkeento, dhammaan heshiisyada cusub ee ay soo gashay, islamarkaan ay ay Baarlamanka u soo bandhigto heshiisyadii hore u socday ee CCECC iyo DP World, si daba-gal loogu sameeyo waxa ka qabsoomay hesiisyadaasi iyo nidaamka loo fuliyay.

Sidoo kale, waxay ku xukuumadda ka dalbadeen in ay Baarlamanka u kordhiso mushahaaraadka iyo gunnooyinka, una  dhisto xarun casriya, si ay noloshooda wax uga beddelaan “ waa in wax laga beddelaa hab-nololeedka mushahaar iyo gunno ee xildhibaannada iyo hawl-wadeennada Golaha wakiilada” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo codsaday in mushahaarka loo kordhiyo si ay noloshooda wax uga beddelaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this