Deeq A. Posted June 30, 2019 Afgooye (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta howlgallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa Milatari ayaa waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaanka Madax Gise oo dhaca duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Al Shabaab ayaa la sheegay inay isaga baxeen deegaankaasi, kadib iska hor imaad kooban oo dhexmaray iyaga iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya. Ciidamada la wareegay deegaankaasi ayaa ka baxay fariisimo ay ku lahaayeen deegaanada Qalimow iyo Ceelka Geelow ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Saraakiil ka tirsan kuwa Milatariga oo aan la xariirnay ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan uu yahay mid Al Shabaab looga saarayo deegaanada gobolkaasi. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab howlgalladaasi iyo iska hor imaadka ka dhacay halkaasi. Dhinaca kale wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa waxaa la sheegay in dagaal toos ah labada dhinac uu ku dhexmaray halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda ay Madaafiic ku garaaceen Tuulada Raqayle oo hoostagta deegaankaasi, waxaana la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Bariire oo qiyaas ahaa 65 KM Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan la wareegay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Hase ahaatee waxaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya Al Shabaab oo wlei ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites