Deeq A. Posted June 30, 2019 Garowe (SMN) – Maxkamadda racfaanka maamulka Puntland ayaa maanta markale xukun dil ah ku riday saddex eedeysane oo loo heystay kufsigii iyo dilkii loo geystay Marxuumada Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd. Eedeysanayaasha la xukumay ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Sidoo kale saddexda qof ee la xukumay ayaa labo ka mid ah waxa ay yihiin Walaalo, kuwaas oo ah Cabdifataax C/raxmaan Warsame iyo Cabdisalaan C/raxman Warsame. Qareenka difaacayay eedaysanayaasha ayaa horay rafcaan uga soo qaatay xukunkii hore, waxaana ay dawacdda u gudubtay maxkamadda sare ee Puntland oo leh go’aanka ugu dambeeya xukunnada ay ridaan maxkamadaha heer gobol. Maxkamadda racfaanka ayaan xukunkan ku raacday tan darajada koowaad ee gobolka Nugaal, taas oo horay dil toogasho ah ugu xukuntay raggaasi. Kiiskan oo marar badan dib u dhacay, ayaa loo soo xiray 10 qof, balse waxaa la sii daayay 7 ka mid ah, kadib markii lagu waayey wax dambi ah, halka 3-da kale uu maanta ku dhacay xukunkii ugu dambeeyay ee Maxkamadda racfaanka, kaas oo ah dil. Caa’isho ayaa bishii February ayaa iyada oo Meyd ah, la soo hor dhigay gurigooda oo ku yaallay Gaalkacyo, kadib markii la’iskuugu daray kufsi iyo dil intaba. View the full article Share this post Link to post Share on other sites