Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Xayiraadii Ka Qaaday TV-yada Eryal Iyo Horyaal

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ayaa waxa ay shaacisay inay xayiraadii ka qaaday TV-yada Eryal iyo Horyaal.

65719133_2253348888311523_46489243512513

Xukuumadda Somaliland oo ay hore u xayirtay labadan telefishan ee kala ah Eryal iyo Horyaal, balse waxa maalmihii u dambeeyay socday waanwaan la doonayay in lagu xaliyo arrintan, waxaana socday wada-hadalo u dhexeeyay xukuumadda iyo mulkiilayaasha labada Telefishan.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA iyo Xarunta Xuquuqal Insaanka JSL ayaa hore u cambaareeyay xadhiga Telefishanada Horyaal iyo ERYAL waxa ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo mugdi galinaya nidaamka Dimuquraadiyadeed iyo xorriyatul qawl ee Dastuurka Somaliland damaanad qaaday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this