Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo cansuur laba-jibbaaran saartay badeecadaha ka yimaada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
ABGAALOOW.jpg?w=1000&ssl=1Wasiirka Maaliyadda Puntland Xassan Shire Cabdi

Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Xassan Shire Cabdi, ayaa canshuur laban-laab ah saaray badeecadaha ka yimaada maamulka Somaliland.

Dikreeto Sabtidii shalay ka soo baxday xafiiska wasiirka Maaliyadda, oo lagu socod-siiyay mas’uuliyiinta Dakhliga gobollada Sool, sanaag iyo Karkaar ee Puntland, islamarkaana la ogaysiiyay xisaabiyaha guud ee Puntland, agaasimaha wasaaradda Maaliyadda iyo madaxweynaha, ayaa lagu amray in beecadaha daruuriga ah ee ka imaanaya Somaliland laga qaado canshuur dhammaystiran 100%.

Beedacadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland, ayaa sidoo kale  wasiirku  amray in laga qaado-canshuur laba-jibbaaran oo u dhiganta 200%, si loo yareeyo badeecadaha aan daruuriga ahayn eek a soo geliya dhanka Somaliland.

Dikreetada wasiirka ayaa lagu caddeeyay in go’aankan loo qaatay, si loo ilaaliyo xuquuqda ganacsatada Puntland,loona yareeyo ganacsiga aan muhiimka ahayn ee Puntland kaga soo furmay dhinaca Somaliland.

Halkaan hoose ka akhriso dikreetada

Abgaal.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo cansuur laba-jibbaaran saartay badeecadaha ka yimaada Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this