Deeq A. Posted June 30, 2019 Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ka qarxay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo ah mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyaa Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in dagaalyahannadu ay beegsadeen fariisimo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin halkaasi. Dagaal toos ah ayaa xigay weerarkan, kadib markii iska caabin xoogan ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgala deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaaka haatan socda inkastoo aan la cadeyn inta uu la’egyahay. Sidoo kale wararka qaar sheegaya in dagaalkan la’isku adeegsanayo hunba nuucyadiisa kala duwan, islamarkaana ay ku gubteen guryo ay daganaayeen dad Rayid ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay labada dhinaca ee diririya. Bariire oo qiyaas 65 KM Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan la wareegay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Hase ahaayeen Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku soo qaada gudaha deegaankaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites