Deeq A. Posted June 30, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo shalay booqasho ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Khayre oo xalay ku hoyday Dhuusamareeb ayaa lagu soo warramayaa in saaka kulamo uu kula leeyahay magaaladaasi madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca. Kulamadan ayaa inta badan diirada lagu saarayaa xaaladda Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ra’iisul wasaaruhu gelinka dambe ee maanta uu ku sii jeedo degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Qaban qaabo iyo soo dhaweyn loogu jiro Ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo muddo ku dhow todobaad ku sugan gobolka Galgaduud ayaa kulamo uu xal ugu raadinayo khilaafka Galmudug ka wada halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites