Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka amniga oo soo qabtay nin loo haysto dil

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan hoggaanka demi baarista CID ayaa ku guuleystay in ay Gacanta ku soo dhigaan ,Bishaar Abdirisaaq Maxamed, kaas oo ku eedeeysan dilka marxuumad, Suleeqo Yuusuf Axmed, sida ay sheegtay taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Sarreeye guuto ; Zakiya Xuseen Axmed.

Dhinaca kale, Duqa, Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (yariisoow),oo ka hadlayay Xalay shirka amniga ee Caasimadda ayaa sheegay in ay kulankooda ugu hadleen dardar gelinta kormeerka, howlgallada iyo Isla-xisaabtan ka.

Wuxuuna sidoo kale caddeeyay Guddoomiyuhu in eedeysane, Bishaar C/risaaq Maxamed , ay soo qabteen Ciidamada, iyadoo loo heysto Gabar dhowaan lagu dilay Hotel Caamir oo ku yaalla Baar Ubax.

Guddoomiye C/raxmaan Yariisoow , ayaa sheegay in soo qabashada eedeysanaha ay ka Gacan siiyeen Shacabka, soona gudbiyeen xogta ku saabsan Gurigii uu ku dhuumanayey.

Eedeysane, Bishaar Cabdi risaaq Maxamed, ayaa loo haystaa dilka, Suleeqo Yusuf Axmed, oo dhowr Cisho ka hor ka dhacay Hoteel Caamir, oo ku yaalla Degmada Howlwadaag Gobolkan Banaadir.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

FB_IMG_1561873613960.jpgFB_IMG_1561873616024-1.jpgFB_IMG_1561873619466.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this