Deeq A. Posted June 30, 2019 Balcad (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlagllo ciidamada dowladda saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen gobolka Shabeeha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano dhaca galbeedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Deegaanada ay tageen ciidamada ayaa waxaa ka mid ah Cadayga, Keysaney Doonka, Tixsiile iyo Buulo-caasi oo dhammaan ka tirsan gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah, kuwaas oo u badan dhalinyaro. Saraakiishu ma shaacin illaa iyo hadda u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysay baaritaanadaasi. Balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites