Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Qaranka oo Salaadda Janaasada ku tukaday Marxuum Qanyare

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax, oo dhowaan ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada.

Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen Qoyskiisa iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Janaasada Marxuum Marxuum Maxamed Qanyare Afrax, waxaasidoo kale ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

unnamed-11-1.jpgunnamed-12-1.jpgunnamed-13-2.jpgunnamed-14-1.jpgunnamed-15-1.jpgunnamed-16-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this