Sign in to follow this  
Deeq A.

Eedeysanayaal Qirtay Inay Qarxin Lahaayeen Xaruun Islaam Oo Ku Taalla Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-New York)-Saddex nin ayaa lagu soo eedeeyey inay qorsheynayeen inay bam ku qarxiyaan Xarunta Mujtamaca Islaamka oo ku taalla magaalada New York ee dalkaasi.

190122150342-men-accused-bomb-plot-upsta

Eedeysanayaasha oo shalay la soo taagay Maxkamadda waxay qirteen inay geysteen dembiyo Argagixiso oo ay ku doonayeen inay ku qarxiyaan Xaruunta Islaamka ee Islamberg oo 250-KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalada New Yorrk.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Vincent Vetromile oo 20-jir ah, Andrew Crysel oo 19-jir ah iyo Brian Colaneri oo 20-jir ah waxaa la xidhay bishii Janaayo ee sannadkan, kadib markii uu arday ku soo wargeliyey Boliska qorshaha ay raggaasi damacsan yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this