Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqorada Holand Oo Lagu Eedeyay Kulan Ay La Qaadatay Dhaxal Sugaha Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Qaramada midoobay ayaa dhaleeceyn usoo jeedisay boqorada Holand Máxima Zorreguieta kadib kulankii ay la qaadatay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

156183602227bb5.jpg

Labada dhinac ayaa isku arkay magaalada Osaka dalka Japan oo ay kaga qeyb galeen shirka G20, waxaana Maxima lagu dhaliilay in ayna soo hadal qaadin dilka Jamaal Khashoggi.

Madaxa qaramada Midoobay u qaabilsan baadhitaanada dilalka Agnes Callamard ayaa sheegtay in boqorada Holand ay ka gaabsatay inay ka hadasho wariyiha sacuudiga ee sannadkii hore lagu dilay Turkiga.

Haddii aadan ka hadlin ama aadan dalban cadaalad in uu helo Jamal taasi waxay la macno tahay in aadan ka Walaacsaneyn, sidaasi waxaa wargeys-ka daily Algemeen Dagblad ee ka soo baxa Holand u sheegtay Agnes Callamard.

Baadhitaano ay waday qaramada midoobay bilihii la soo dhaafay ayaa shaaca looga qaaday in boqortooyada Sacuudiga ay ku lug laheyd Falkaan.

Madaxa qaramada midoobay u qaabilsan dhanka baadhitaanada dilalka ayaa ku baaqday in baadhitaan lagu sameeyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this