Sign in to follow this  
Deeq A.

MUQDISHO: Ciidanka Amniga Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Lagu Eedeeyay Dilkii Suleekha Yuusuf

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel ku yaalla Xaafada Baar ee degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir ayaa waxa dhawaan dil loogu geystay Marxuumad lagu magacaabi jiray Suleeqo Yuusuf Axmed.

d-655x430.png

Meydka Gabadha ayaa waxaa laga helay xili subax ah Albaabka hore ee hotelka Caamir, isla markaana ay gabadhaas aheyd hooyo heesatay shan caruur ah, waxaana halkaas ka baxsaday qofkii ka dambeeyay falkaas.

Hayeeshee Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Demibaadhista CID-da ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay Dilkii loo geystay Marxuumad Suleekha sida uu sheegtay Taliska Booliska Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this