Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Diyaaradaha Dagaal Ka U Daabulay Dalka Qatar Iyo Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Doha)-Dowlada Mareykanka ayaa diyaaradaha nuuca F-22 u daabushay wadanka Qatar markii ugu horreysay, iyadoo Mareykanka uu sheegay in uu kor u qaadayo dhismaha saldhigyada ciidanka ee uu ku leeyahay gacanka Carabta.

156183095559175.jpg

War saxaafadeed ka soo baxay taliska dhexe ee Millatariga ayaa lagu sheegay in daabulaada diyaaradaha F-22 looga gol leeyahay sidii loo xaqiijin lahaa danaha iyo difaaca ciidanka Mareykanka ee ku sugan Khaliijka.
Illaa iyo hadda ma cadda tirada diyaaradaha Mareykanka ee loo daabulay wadanka Qatar.
Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu sii xoogeysanayo xiisadda ka dhex aloosan Mareykanka iyo Iiraan.

Tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump sannadkii 2016-ka ayaa waxaa sii xoogey-sanayay qilaafka u dhaxeeya Tehran iyo Washington kadib markii uu Trump laalay heshiiska wadamada quwadaha sanadkii 2015-ka ay la galeen Iiraan.

Trump ayaa sidoo kale kordhiyay xayiraada uu ku hayo ganacsiga dibada Iiraan gaar ahaan shixnadaha loo iibgeeyo Mareykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this