Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegaayo Deegaanno Ka Tirsan Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in weli halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan.

Maxamuud Xasan Cali oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Matabaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in weli ay is horfadhiyaan dhinacyadii dagaallamay, xalna aan la gaarin.

Wuxuu tilmaamay Maxamuud in cabsida taagan iney tahay in mar kale isku dhacaan dhinacyadan oo la ogyahay iney dagaallameen maalmihii lasoo dhaafay.

Dagaalkan ka dhacay deegaannadan ku dhow degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wareysi-degaalka-ka-socda-matabaan-.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this