Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Racfaanka Nugaal Oo Maanta Go’aan Ka Gaareysa Kiiska Caasha Ilyaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Axad ah waxa ay ku dhawaaqi doontaa xukunka Saddex ruux oo horey dil loogu xukumay, kuwaasi oo ku eedeysan dilka iyo kufsiga Caasha Ilyaas, balse racfaan kasoo qaatey.

Shalay waxay maxkamadda soo gabagabeysay dhageysiga dacwaddan, waxaana ay sheegtay in maanta oo Axad ah lagu dhawaaqi doono go’aanka kama dambeysta ah.

Maxmadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa horey xukun dil ah ugu riddey Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, halka lasii daayey 10 kale oo kiiskan ku eedeysnaa kadib markii dambi lagu waayay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this