Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Karkaar oo ku baaqay in dib u-habayn lagu sameeyo degmooyinka gobolka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyihii hore ee gobolka Karkaar Cabdullaahi Maxamed Barre Caato ayaa ka hadlay xilka qaadista uu madaxweynaha Puntland ku sameeyay iyo maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka karkaar.

Mudane Caato ayaa ugu horrayn aqbalay xilka qaadista lagu sameeyay waxaana uu hambalyeeyay maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka Karkaar isagoo ku boorriyay in ay shaqada halkii ka sii wadaan.

Alxamdu lilaahi ilaahay baa mahadi u sugnaatey waxaan halkaas uga hambalyeynayaa Madaxda cusub ee loo magacabay Gobolka karkaar Waxaan ilaahay uga baryayaa xilka culus ee loo igmadey inuu ku xafido” ayuu yiri Caato.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in uu si dhow ula shaqeyn doono maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka isagoo madaxweynaha Puntland uga mahadceliyay la tashi uu sheegay in uu kala sameeyay magacaabista mas’uuliyiinta cusub.

Waxaan u ballan qaadayaa madaxda cusub inaan si dhow oo hagar la aan ah kula shaqayn doono inta awoodeyda ah insha allaah.Madaxweynaha Dowladda puntland Mudane Siciid Cabdulahi Deni,waxaan uga mahad celinayaa sida qiimaha iyo tixgelinta mudan ee uu iigala tashaday dib u habaynta maamulka Gobolka karkaar”.

Ugu dambeyntii wuxuu madaxweynaha Puntland ugu baaqay in uu dib u habayn ku sameeyo maamullada degmooyinka gobolka Karkaar “waxaana ka codsanayaa ilaa heer degmo inuu taabba geliyo dib habaynta maamulka si loo gaaro horumar iyo maamul baahsan oo ka wada howlgala deeganka gobolka karkaar.Mar labaad hambalyo madaxda cusub ee Gobolka karkaar” ayuu sii raaciyay Caato.

The post Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Karkaar oo ku baaqay in dib u-habayn lagu sameeyo degmooyinka gobolka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this