Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaasha Galmudug oo la kulmay guddi loo saaray baarista dadkii lagu laayay koonfurta Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba Guddi ee ka kala socda Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Odayaasha ayaa Labada guddi uga tacsiyeeyay Dadkii lagu laayay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin Beelihii ay ka dhasheen Dadkii la laayay ay kala fariistaan dhibaatadii dhacday.

Odayaasha Gaalkacyo ayaa Guddiyada u sheegay in lagu raad joogo dambiilayaashii falkaas geystay,  lana soo qaban doono falkii ay geysteen ciqaabtiisana ay marin doonaan.

Sidoo kale waxa ay ballan qaadeen in dhibaatadii dhacday aysan dib dambe usoo laaban doonin, si nabad gelyo ahna loo wada noolaanaayo wixii hadda ka dambeeya.

Guddiyo ka kala socda Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Koofur galbeed ayaa Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Gaalkacyo ka waday kulammo ay la yeelanayaan maamulka, Odayaasha, wax garadka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaasi ku dhaqan.

  • 1-40.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-38.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-35.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-32.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-26.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-22.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Odayaasha Galmudug oo la kulmay guddi loo saaray baarista dadkii lagu laayay koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this