Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shirka amniga oo lagu qabtay Muqdisho iyo go’aanno ka soo baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkan oo ahaa mid ballaaranm islamarkaana looga hadlayay amniga ayaa xalay waxa uu ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Cadbiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Sidoo kale waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko), taliyaha ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Guddoomiye ku xigeenka amniga & Siyaasada Gobolkan Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Intii socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray dardar gelinta howlgallada ka socda magaalada Muqdisho.

Waxa kale oo shirkan lagu soo hadal qaaday in ay jiri doonto isla xisaabtan la xariira hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiintii ka hadlay madasha ayaa isla qiray in loo baahan yahay is bedal dhab ah oo ku yimaada amniga Caasimada oo mararka qaar weeraro ay ka fuliyaan Al Shabaab.

Ugu dambeyn xubnahani ayaa isla gaaray go’aanno adag oo la xariira sugida amniga, sida in la kordhiyo howlgallada iyo baaritaanada hadda socda iyo in la xoojiyo wada shaqeynta ay leeyihiin shacabka iyo ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii la soo dhaafay maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha amniga ayaa sare kulamada lagu dardar gelinayo ammaanka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Sawirada:

aa.jpg dd.jpg qa.jpg xx.jpg

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this