Deeq A. Posted June 30, 2019 Cadaado (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u muuqata inay fahmi weysay siyaasad xirfadeysan oo uu la cayaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, sida ay sheegeen dadka u dhuun daloola siyaasadda maamulkaas. Xaaf ayaa ku guuleystay inuu dowladda ka dhaadhiciyo inay dib u dhigto doorashadii Galmudug ee wasaaradda arrimaha gudaha ay ku dhowaaqday inay dhaceyso 4-ta bisha July. Aqoonyahan Cabdi Guuleed Jaamac oo siyaasadda Galmudug xog ogaal u ah ayaa sheegay in dib u dhigista doorashada Galmudug ay u muuqato mid ay ka wada shaqeeyeen Xaaf, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, lagana leeyahay laba qorshe oo kala ah:- 1 – In doorashada Galmudug ay ka dambeyso tan Jubaland, taasi oo dowladda ku fureysa dagaal siyaasadeed laba furrin ah, si awoodda dowladda loo kala qeybiyo loona wiiqo. 2 – In la xaqiijiyo in Axmed Madoobe kusoo baxo doorashada Jubaland kadibna Xaaf uu taageero xooggan ka helo Jubaland iyo Puntland, taasi oo u saamixi karta inuu ka baxo heshiisyada uu la galay ra’iisul wasaare Kheyre xukunkana uu sii dheereysto. Aqoonyahanka ayaa sheegay in sidoo kale shirka dib u heshiisinta beelaha Galmudug ee ka dhacaya Hobyo uu qyeb ka yahay qorshaha lagu sii dheereynayo dib u dhigista doorashada Galmudug, taasi oo sida uu sheegay Xaaf siin karta waqti kale oo dheeraad ah. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites