Deeq A. Posted June 30, 2019 Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo ka mid ah Xisbiga Mucaaridka ee Waddani, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan doorashooyinka Somaliland ee xisbiyadu mudada badan isku mari laayihiin . Baashe Cali ayaa sheegay in labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid aysan qaban karin doorasho uu ka maqanyahay xisbiga Waddani, isagoona xusay in xisbiga Waddani uu diyaar u yahay doorasho xalaal ah oo si sharciya u qabsoomta. Baashe oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, wuxuuna yiri “Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waa laba Xisbi, Doorashana labadoodu ma gali karaan, Xisbiga Waddani-na kuma qasbi karaan Doorashada, Doorashada Golaha Wakiiladu waxay ku qabsoomaysaa iyadoo marka hore la kala diro Komishanka hadda jooga, maxaa yeelay komishankan waa laga kalsooni baxay, doorasho dambe oo ay inoo qaban karaana ma jirto”. “UCID iyo Kulmiyena waxaan leeyahay Xisbiga Waddani Doorasho xalaal oo sharciya ayuu diyaar u yahay, Guurtidu dhawr iyo labaatan sanno ayey joogaan, Wakiiladuna dhawr iyo toban sanno ayey joogaan, markaas dhaxal umay helin,waa in la xaliya khilaafka ka taagan Doorashada, waxaana tanaasulka looga baahan yahay Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, madaama Xisbiga Waddani uu sharciga ku taagan yahay, ta kale waa in Dastuurka la furaa, waa in saami –qaybsigii la sameeya, waa in cadalaada iyo sinaanta la ilaaliya”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Mar haddii uu yimaado wada-hadal Somaliland iyo Somaliya, waa in go’aan ay umadda Somaliland ku midaysan tahay oo raali laga wada yahay lagula hadlaa, qodobada ay Somaliland la tagayso Somaliya waa inay ahaadan qodobo Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan raali ka wada yihiin”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites