Sign in to follow this  
Deeq A.

Qareenkii difaacayey saddexda nin ee ku eedaysan Kiiskii Caa’isha oo isagii waaran loo jaray

Recommended Posts

Deeq A.   
MUSTAF-Maxamed-Jaamac.png?w=1000&ssl=1Qareen Mustaf Maxamed Jaaamac

Mid kamid ah Qareennada difaacaya saddexda nin ee ku eedaysan kiiska Caa’isha Ilyaas Aadan, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal u goysay waaran lagu soo xirayo, maalmo kadib markii arrima ku saabsan kiiskan loo xiray, taliyihii Laanta denbi-baarka CID-da gobolka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali.

Xeer ilaalinta gobolka Nugaal, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka 27—dii bishan u gudbisay,  dawcad ka dhan ah Mustaf Maxamed Jaamac oo kamid ah, Qareennada difaacaya ragga ku eedaysan kiiska Caa’isha Ilyaas, waxaana Xeer-ilaalintu Qareenka ku eedaysay aflagaaddo, cay iyo iska’ horkeenid shacabka iyo dowladda Puntland.

Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda ka codsatay, in xabsi ku hayn loogu sameeyo Qareenka, iyadoo maxkamadduna codsigaasi ogolaatay, islamarkaana ay waaran lagu xirayo u jartay Mustaf.

Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal Sheikh Cabdinuur Jaamac Xuseen oo soo saaray waaranka, ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal ku amray, in uu xabsiga ku hayo Qareenka Mustaf Maxamed Jaaamac.

Dhinaca kale, maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, ayaa Sabtida maanta ku dhawaaqday, in ay maalinta berriya go’aan ka gaari doonto, saddexda eedaysane oo loo haysto kiiska Caa’isha Ilyaas, kuwaasi oo hore maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal ay xukun dil ah ku ridday.

XALAALEYN.jpg?w=1000&ssl=1 waaran.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Qareenkii difaacayey saddexda nin ee ku eedaysan Kiiskii Caa’isha oo isagii waaran loo jaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this