Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (SMN) – R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinka damne ee maanta ku wahan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha ayaa haatan si aad ah looga dareemayaa gudaha degmadaasi

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah oo xaqiijinaya amniga lagu arkayo halkaasi.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Ra’iisul wasaaruhu marka uu tago Guriceel in uu kulamo la qaato waxgaradka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku nool magaaladaasi.

Ra’iisul wasaare Khayre oo muddo ku dhow todobaad ku sugan GalMudug ayaa horay u booqday degmooyinka Dhuusamareeb, Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this