Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab iyo Ciidamada DF oo ku dagaalamay G/Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Buulo-burte (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Hiiraan ayaa sheegaya in maanta Al Shabaab iyo ciidamada DF ay ku dagalaameendegmada Buulo-burte ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxa uu yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerareen fariisin Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin agagaarka garoonka degmadaasi.

Weerarka kadib ayaa lagu soo warramayaa in dagaal toos ah uu dhexmaray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Al Shabaab oo ka hadlay dagaalkaasi waxa ay sheegeen in ay ku dileen labo Askari, islamarkaana ay horay uga sii qaateen hubkoodii, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro illaa iyo haatan wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada Milatariga oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Dhinaca kale faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, waxaana la sheegay ciidamadu ay xireen qaraxa kadib meesha ay wax ka dhaceen.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgalka deegaanada maamulka HirShabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this