Deeq A. Posted June 29, 2019 Boosaaso (SMN) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa maanta howlgallo Milatari ka sameeyay deegaano hoostaga gobolka Bari ee maamkulkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa laga fuliyay agagaarka buuraha Calmadow ee gobolkaasi. Qoraal ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalladan lagu gubay godad ay hubka iyo raashinka ku Keydsan jireen Al Shabaab. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu burburiyay saldhigyo Al Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi. Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku Keydsan jireen Hubka iyo Raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo ay ku lahaayeen Buuraleyda Calmadow” ayaa lagu yiri qoraalka. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada maamulka Puntland ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish ee ka socda gobolka Bari. View the full article Share this post Link to post Share on other sites