Sign in to follow this  
Deeq A.

NUSOJ oo waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada in magaca Ururka la badalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hogaanka Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta iska fogeeyay sheegashada ah in magfaca ururka la badalay, taasoo ay ku tilmaameyn waxba kama jiraan.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumaar Faaruuq Cusmaan ayaa sheegay in magaca ururka NUSOJ aanan la badalain balse ay jiraan shaqsiyaad si been abuur ah u sheegan jiray magaca ururka kuwaasoo markii ay runta ay arkeen go’aansaday in ay magac kale la baxaan.

“Hadaad marka hore been abuur la wareegeysay, hadana been abuurkaadii unbaa la baxday. NUSOJ waa urur macruuf ah oo la wadayaqaano oo ay xubno ka yihiin suxufiyiin kala joogo gobolada dalka iyo dibada. Been abuur ka weyn ma jiro in qof aan marnaba xubin ka noqon ururka in uu sheegto,” ayuu yiri Cumar Faaruuq.

“Waxa aan maqleyno waa in ay ka waantoobeyn been abuurkii ay ku hayeen ururka taasoo u keentay shaqsigii been abuurka waday in la maxkamadeeyo, dambiyo waa weyn uu faraha la galo” ayuu sii raaciyay Cumar Faaruuq.

Xoghayaha NUSOJ ayaa intaas ku daray in ay nasiib daro weyn tahay in shaqsiyaad sheeganaya in ay suxufiyiin yihiin ay ka shaqeeyaan dhibaateynta iyo jaha wareerinta suxufiyiinta iyo iska horkeenida dowladda iyo suxufiyiinta gaar ahaan ururka NUSOJ si dalka Soomaaliya magac xumo loogu soo jiido.

“Waxaan sii wadayna u hiilinta iyo difaacitaanka suxufiyiinta Soomaaliyeed, xoriyada saxaafada iyo xuquuqda shaqo ee suxufiyiinta, anagoon cidna ugu heybeysaneynin,” ayuu ku daray Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan.

NUSOJ oo ah ururka kaliya ee uu aqoonsan yahay ururka suxufiyiinta adduunka ee IFJ ayaa waxaa sameystay suxufiyiinta Soomaaliyeed si loo difaaco danaha iyo xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this