Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay hay’adda Nabad Sugida ayaa lagu shaaciyay inuu isku soo dhiibay sarakaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab.

NISA ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegtay Mukhtaar Maxamed Cabdi oo ku magac dheer (Mukhtaar Ganey).

Qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Ganey uu muddo dheer ka tirsanaa Al Shabaab, islamarkaana uu NISA ka dalbaday inay u sahasho sidii uu Al Shabaab uga soo goosan lahaa.

“Waxaa hadda Muqdisho soo gaaray Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganey), oo ahaa sarkaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa Al Shabaab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa”. ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Mudooyinkii la soo dhaafay waxaa sii kordhayay tiradA dagaalyahannada ee ka soo baxaya Al Shabaab, iskuna soo dhiibayo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this