Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo magacaaabay taliyaal iyo mas’uuliyiin kale oo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dikreetooyin is-xigay oo uu Sabtida maanta soo saaray ku magacaabay taliyaal iyo mas’uuliyiin kale oo cusub.

Madaxweynaha ayaa taliyaha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland u magacaabay S/Gaas yaasiin Cumar Dheere halka uu taliye  xigeenka labaad ee Daraawiishta  u magacaabay S/guuto Axmed Cali Salaad.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa guddoomiyaha gobolka Karkaar u magacaabay Siciid Maxamed Faahiye halka uu guddoomiye ku xigeen u magacaabay Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caamir isagoo taliyaha qeybta Booliiska gobolka Karkaarna u magacaabay G/dhexe Cabdulqaadir jaamac Dirir.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa guddoomiyaha kooxda waaberi Puntland u magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube halka Cabdicasiis Cilmi Yuusuf uu u  magacaabay La-taliyaha Arrimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta madaxtooyada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo magacaaabay taliyaal iyo mas’uuliyiin kale oo cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this