Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Qanyare Afrax oo ku geeriyooday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta isbitaal Digfer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare oo ka tirsan golaha shacabka, ayaa xaqiijiyay geerida Marxuumka.

C/weli oo ah wiil uu dhalay Marxuum Qanyare ayaa sheegay in muddooyinkii la soo dhaafay uu ku xanuunsanaa gudaha magaalada Muqdisho.

Maxamed Qanyare Afrax ayaa soo noqday Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka iyo wasiir amni xilligii dowladihii KMG ee dalka

Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ee la dagaalamay Maxkamadihii Islaamiga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this