Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Yaasiin Faratoon oo warqadda iscasilaadda u gudbiyay madaxweynaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ilo’ xog-ogaal ah ay warbaahinta Puntland Post ka heshay, wasiirka Arrimaha debadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa warqadda iscasilaadda u gudbiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xubno ka tirsan xafiiska wasiirka, ayaa xaqiijiyay in mudane Faratoon uu waradda is-casilaadda gudbiyay dabayaaqadii todobaadkii tegay, kadib markii ay soo food saartay xaalad caafimaad, balse aan madaxweynuhu weli go’aan ka gaarin warqaddaasi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa 10-kii bishii November ee sannadkii 2018 Faratoon u magacaabay, wasiirka Arrimaha debadda Somaliland,  isagoo ka beddelay wasiirka Waxbarashada oo uu xilligaasi ahaa.

Mudane Faratoon oo ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay maamulka Somaliland tan iyo sannadkii 1991-dii oo uu soo noqday, guddoomiyihii ugu horreeyay ee Somaliland u magacowday gobolka Sool.

Sidoo kale, xukuumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayuu sannadkii 1993 ka noqday wasiirka Caafimaadka, halka xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ee sannadkii 2003 uu ka noqday, wasiiru-dowlaha Dibu –dejinta Somaliland.

17-kii bishii Agoosto ee sannadkii 2016, madaxweynihii Somaliland ee xilligaasi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Faratoon u magacaabay wasiirka Arrimaha gudaha maamulkaasi.

Sidoo kale, madaxweynaha hadda ee Somaliland ayaa mar kale ku soo daray golihiisa wasiirada,isagoo 14 December ee sannadkii 2017 u magacaabay wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.

Ha’yeeshee isku shaandhayn uu Muuse Biixi ku sameeyay golihiisa wasiirada 10-kii November 2018 ayuu mar kale Yaasiin Faratoon u magacaabay wasiirka Arrimaha debadda Somaliland , isagoo wasiirkii xilkaasi hore u hayay Dr Sacad Cali Shire u magacaabay wasiirka Maaliyadda Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Xog: Yaasiin Faratoon oo warqadda iscasilaadda u gudbiyay madaxweynaha Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this