Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Khayre oo la kulan la yeeshay bulshada Caabudwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Caabudwaaq (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Cadaado shalay Galinkii dambe ayaa waxaa markii uu gaaray magaalada Caabuudwaaq waxaa halkaas kusoo dhaweeyay madaxwayne ku-xigeenka Galmudug, Wasiirro, xildhibaanno iyo maamulka Caabduudwaaq iyo kumannaan dadwayne ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa fagaaraha magaalada Caabuudwaaq waxa uu khudbad ugu jeediyay kumannaan dadweyne ah oo isugu soo baxay soo dhawaynta wafdiga uu hoggaaminayo.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ayaa khudbadda uu jeediyay uga hadlay qorshaha safarka uu ku marayo deegaannada Galmudug oo ku salaysan qayb ka qaadashada dhismaha maamulka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday reer Caabuudwaaq in ay qayb ka qaataan dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay, sal adag, ka shaqaysa danaha reer Galmudug, wada-shaqayn wanaagsanna ay kala dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Caabuudwaaq kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada.

Kulanka oo ka dhacay xarunta agoonta Taakulo ayna goob joog ka ahaayeen madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta degmada ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bulshada ku hordhigay qorshaha dowladda ee taabba gelinta hannnaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo dhiso Galmudug dhamaystiran oo horumuud u noqota horumarka deegaanka iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda federaalka ay doonayso in adeegyada bulshada ay daadejiso, si loogu guulaystana ay muhiim tahay in la xoojiyo dowlad gobaleedyada, sidaa darteed ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay mudnaan gaar ahna ay siinayso dhamaystirka hay’adaha dowlad gobaleedyada dalka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan xildhibaanno deegaan doorashadoodu ay tahay Caabuudwaaq iyo wasiirro ayaa gudaha Caabuudwaaq ee gobalka Galguduud kulan kula qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaalada.

Dhallinyarada oo kulanka su’aalo ku waydiiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale u jeediyay talooyin iyo tusaalooyin ka qayb qaadanaya horumarka iyo hagaajinta Mustaqbalka dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo dhallinyarada uga jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen ayaa ku ammaanay dowrkooda dib-heshiisiinta iyo horumarka deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada ugu bishaareeyay in dowladdu ay ku shaqaynayso aragtida mawaadiniinteeda Soomaaliyeed oo dhallinyaradu qaybta ugu wayn ka yihiin, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay is abaabulaan oo ay dhaliyaan isbedelka oo cid aan dhallinyarada ahaynlagu sugin isbedelka dalku u baahanyahay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

WhatsApp_Image_2019-06-28_at_23.27.04 1 WhatsApp_Image_2019-06-28_at_23.26.57__1_

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this