Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo diiwan gelinta Ciidanka ka bilaabeyso Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (SMN) – Xilli shalay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, guddoomiyay shir amniga looga hadlayo oo ka dhacay  magaalada Cadaado  ayaa qodobadii ka soo baxay shirkaas waxaa ka mid ahaa Qorshaha guud ee amniga dalka, dardar-gelinta qorsha xoreynta deegaannada ay Al Shabaab kaga suganyihiin deegaannada Galmdug oo qayb ka ah qorshaha guud ee xoraynta dalka iyo diyaarinta ciidamo Booliis ah oo la wareega amniga deegaannada ciidanka xoogga dalku ay xoreeyaan , iyadoo sidoo kale la amray Wasaaradda Gaashaandhiga in Diiwaan Galinta iyo Tirakoobka Ciidamada si rasmi ah uga dhaqan galiyaan deegaanada Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ka dhagaystay saraakiisha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed, ayaa faray saraakiisha amniga ee dowladda federaalka in si dhaw ay ula shaqeeyaan laamaha amniga dowlad gobaleedka Galmudug si guul looga gaaro qorshaha amniga.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada amniga gudaha, iyo arrimaha gudaha, wasiirru dowlayaasha arrimaha guddiga iyo howlaha guud, xildhibaanno, madaxwaynaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo saraakiil amni oo ka socota dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedka Gal-mudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this