Sign in to follow this  
Deeq A.

General Caan Ka Ahaa Dalka Itoobiya Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Thailand)-Taliyihii hore ee qeybta Koofur Bari dalka Itoobiya General Abraha Woldemariam ayaa ku geeriyooday dalka Thailand isagoo u dhintey cudurka Kansarka.

abraha.png

Generalkan ayaa ka mid ahaa generalo koowan oo uu dalacsiiyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegne.

Hase yeeshee markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Abiy Ahmed ayuu noqday howlgab General Abraha.

Hore ayaa loogu eedeeyay generalkan inuu gacan ka geystey xadgudubyo ka dhan ah aadanaha oo ay ciidamada Itoobiya ka geystey dhulka Soomaalida ee Itoobiya.

Dadka wax dhaliila ayaa generalkan la xidhiidhiyay inuu aad ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Abdi Iley oo haatan ku jira xabsig ku yaal magaalada Addis Ababa.

General Abraha Woldermariam ayaa waxa uu ka mid ahaa Dagaalyahanada ururka TPLF kuwaasoo xukunka ka tuuray dowladii uu madaxda ka ahaa Colonel Mengistu Hailemariam.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this