Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Codsaday In Uu La Kulmo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka waxa uu saaka oo Sabti ah sheegay inuu quudaraynayo inuu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un kula kulmay Xuduudka hubka ka caagan ee (DMZ) ee u dhexeeya Labada Kuuriya.

NK-USA-750x430.png

Qoraal uu soo dhigay bartiisaTwitterka ayuu Trump ku sheegay haddii uu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya tan arko, inuu jeclaan lahaa inay ku kulmaan Xuduudka, si ay isku gacan qaadaan, una yidhaahdo Hello.

Kulankaasi waxaa la filayaa inuu qeyb ka noqdo Madaxweynaha dalka Koonfurta Kuuriya, Moon Jae-in, balse, ma kala cadda inuu kulankaasi dhici doono iyo in kale.

Donald Trump oo haatan Shirweynaha madaxda dalalka Wersheadaysan ee Kooxda G20 uga socda magaalada Oska ee dalka Japan, waxaa la filayaa inuu goor dambe oo maanta tago caasimadda dalka Koonfurta Kuuriya ee Seoul, waxaana u qorsheysan inuu berrito oo Axad ah dib ugu laabto magaalada Washington.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this