Sign in to follow this  
Deeq A.

Qareeno U Dhashay Kenya Oo Maxkamadda Sare Ee Dalkaasi Ka Dalbaday In Laga Laabto Kiiska Badda Ee Hor Yaallo Maxkamadda ICJ

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Iyadoo Bisha September ee soo socota Maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqday inay bilaabanayso dhageysiga dacwadda Muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, ayaa Qareenada u dhashay dalkaasi waxa ay ka dalbadeen Maxkamadda Sare in laga laabto dacwadaasi.

1561785945d7de1.jpg

Urur ay ku mideysan yihiin qareenada dalka Kenya ayaa waxa ay gal dacwadeed u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka Kenya si looga laabto dacwadda Kiiskaasi.

Qareennadan oo ku mideysan Ururrada kala ah Kinoti iyo Kibe, ayaa sheegay in kiiskaan ka qeybgalka Kenya uu xad gudub ku yahay dastuurka Kenya gaar ahaanna qodobada dhinaca sohdinta ku saabsan.

Waxaa kale oo ay farriintooda gaadhsiiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Iyo Xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Kenya si arrintaan looga laabto.

Waxaa ay Maxkamadda sare ka codsadeen in ay si deg deg ah ugu dhawaaqdo in Kenya ay laashay ka qeybgalkeeda dhegeysiga kiiskan oo Maxkamadda ICJ ay billaabeyso Bisha September ee soo socota.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this