Sign in to follow this  
Deeq A.

250 Qof Oo Loo Xidhxidhay Afgembigii Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-250 qof oo loo shakisan yahay inay qayb ka ahaayeen afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaasi ayaa xabsiga la dhigay sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Itoobiya.

a2b07550-6d6c-4a9c-bc3b-9e1da1f5ea5a.jpg

Dadka la xidhxidhay waxaa ka mid ah 200 saraakiil ciidamada amniga ee gobolka Amxaarada iyo in ka badan 40 Sarkaal oo laga qabqabtay magaaladda Adis-ababa ee caasimadda

Telefishanka dowladda waxaa uu sheegay in ciidamada amniga heleen 27 Qori oo AK-47 ah iyo laba qori oo ah kuwa daran-dooriga u dhaca. Waxaa kal oo telefishanku uu baahiyay ninkii dilay Taliyihii ciidamada Itoobiya Gen Seare Mekonnen iyo sarkaal kale oo la joogay.

5 Sarkaal oo uu ku jiro taliyaha ciidammada Itoobiya iyo Madaxweynihii ismaamulka Amxaarada ayaa ku dhintay Afgembigaas oo ay sameeyeen Saraakiil ka soo jeeda qowmiyada xabashida oo aha tan labaad ee ugu badan dalkaasi Itoobiya

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this