Sign in to follow this  
Deeq A.

Is Qancin Iyo Is Maqal Waa Kalsoonida Ummada

Recommended Posts

Deeq A.   

Xilligii cumar binu khadaab (RC) amiirka u ahaa muslimiinta, isagoo ka khudbadaynaaya masjidka rasuulka CWS, ayaa hadalkiisii waxaa Ku jiray “i adeeca” markaasuu istaagay asxaabigii weynaa ee salmaan Al-faaris wuxuuna Ku yidhi “amiir Ku adeeci mayno” nooga jawaab halkeed ka keentay go’an labaad Ee aad guntan tahay ! .

62420513_2574614712558255_72830075817720

Maxaa yeelay annaga waxaad na siisay mid, adiguna waxaad sidataa laba. naga qanci kan labaad halka uu kaa soo galay.

Cumar binu khadaab Amiirul muuminiinkii (RC), muu cadhoon manuu odhan anigoo madax ah sidaa ha iila hadline, wuxuu walaalkii Ku qanciyay si xikmadi Ku jirto. wuxuuna yidhi: “istaag Cabdilaahi binu cumar su’aashaa adigaa wax ka oge siday ahayd uga jawaab.
Cabdilaahi binu cumar wiilkii amiirka muuminiita ayaa ka war celiyay waydiintii , wuxuuna yidhi: ” Aabahay waa Nin dheer hal go’ kuma filna anigaa u dhiibay kaygii”.
kadib salmaan baa yidhi: “hadda waanu Ku maqalnay kuna adeecnay”.

Xikmadda aynu usoo qaadannay waxay tahay, madaxdeennu innagay inoo adeegtaa, waa sida dad inoo haya tukaan. Sida qof leh tukaan u yidhaahdo shaqaalaha u Shaqeeya waar ammaanada ilaali,xisaabta wanaaji, alaabta kala hagaaji, bulshada tukaanka Ku xidhan waji Wanaagsan Ku Qaabil.
Haddaba qofka madaxda kuu ah waxaad ku odhanaysaa sida quruxda badan ee ay wax kuula muuqdaan, waxaad siinaysaa talk toolmoon, waliba adigoon cidna dulmiyayn, cidna Ku xadgudbayn sharaftooda , Dadnimadooda, cadaaladana aan ka tagayn.Nebi muxamed (CWS) Dagaalkii xunayn markii geel badan lasoo qaaday, ayaa qayb badan oo kamid ah geelii qaniimada ahaa, intii badnayd waxaa la siiyey quraysh, iyadoo xikmadda Ku jirtaa ahayd, kasbasho in si Fiican Qalbigooda islaamnimadu ugu tagto. Arrintaana waxa yar dhibsaday ansaar oo ahaa Gargaarayaashii Rasuulka (SCW), waxaanay soo direen sacad binu mucaada oo kamid ahaa odayaashii ansaareed, ahaana asxaabigii qiimaha lahaa, daraadiina carshiga raxmaanku u gariiray, markaasuu Ku yidhi: “rasuulkii alloow masaladaa naga qanci, dhibtana annagaa leh, dheeftana Waxaa leh quraysh”.
Rasuulka Allah (CWS) ma cadhoon manuu odhan anigoo rasuulkii Allah ah, dadna ugu sharaf badan miyaad sidaa iila hadlaysaan. Balse uu Qanciyey, waxanuu ku yidhi: “dadka oo dhammi hadday waadi maraan, ansaarina mid kale marto idinkaan idin raaci lahaa, miyeydaan raali Ku ahayn in idinna Rasuulka Allah idin raaco, iyana xoolahu raacaan” sidiibaanay raali Ku noqdeen.

Haddaba madaxnimadu waa is qancin.

Wakhtigii amiirul muuminiin cumar binu khadaab (RC), wuxuu Ku dhawaaqay meherka in la jabiyo, qadar la isla garanayona laga dhigo, si loo fudaydiyo guurka, balse markii masjidkii laga soo baxay haweenay ayaa Ku sugtay irridda masjidka, waxaanay Ku tidhi “yaa amiirul muuminiin rasuulka Allah ba muu xadidin meherka ee sidaad adigu ugu xadidi kartaa” !!
Markaasuu cumar binu khadaab Amiirul muuminiin garowsaday in arrintaa lagaga gar leeyahay, waanuu garowsaday arintiina uu ka Noqday.
Dulucduna waxay tahay Madaxdeenu waa adeegayaasheena,lakiin uma nihin addoomo, xaq waxay inoogu heleeyiih hab asluubaysan inaan wax ugu sheegno,iyaguna waxay xaq inoogu leeyihiin in ay ina qanciyaan,dhaliishana aanay u arag in Masabkooda lagu soo duulay

W/Q Ridwaan Cabdilaahi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this