Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Rajo Laga Muujiyey In La Dhiso Maamul Loo Dhan Yahay Oo Galmudug Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaannada Galmudug qaarkood ayaa xilligan waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in la dhiso maamul loo dhan yahay oo Galmudug ah, xilli ay socdaan dedaallo arrintaasi ku aaddan.

Xildhibaan hore, Faysal Axmed Cabdulle oo u warammay Goobjoog, wuxuu sheegay iney rajo badan ka qabaan Galmudug iney isku tashato, islamarkaana la dhiso maamul mideysan oo aan cidna ka maqneyn.

Sidoo kale, wuxuu sheegay xildhibaan Faysal in ay aad u rajeynayaan iney dhacdo doorasho xalaal ah oo aan eex iyo isdabamarin ku jirin.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa wada dedaallo ku aaddan sidii loo dhisi lahaa maamulka Galmudug oo mideysan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wareeysi-siyaasi-ka-soo-heeda-galmudug-.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this