Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Baaq Loo Diray Beello Ku Dagaallamay Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaallo u abaabulan qaab beeleed ayaa kasoo cusboonaaday deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare kala duwan.

Waxaa soo kordhaya baaqyada nabadeed ee loo dirayo beelahan, iyadoo dhinacyada is haya loogu baaqayo nabadda.

Cali Cabdi Guure, guddoomiyahii hore ee degmada Buulo-burde oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin dagaalladan soo noq-noqday.

Wuxuu sheegay Guure, in loo baahan yahay iney dadku ku wada noolaadaan nabad oo ay joojiyaan dagaallada.

Dagaalladan ka socda gobolka Hiiraan ayaa noqday mid soo noq-noqday, iyadoo aanay jirin weli xal rasmi ah oo dagaalladan laga gaaray.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/wareysi-gudoomiyhii-hore-ee-buulo-barde-.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this