Deeq A. Posted June 29, 2019 Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada Jubbaland, gaar ahaan soo xulista Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Ergada soo xuli laheyd Xildhibaanada saacadihii la soo dhaafeen ay gaareen magaalo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland ayaa xarun gaar ah dajisay Ergada, kuwaas oo amnigooda si gaar ah loo sugi doono. Ololaha doorashad ayaa ka socda Kismaayo oo ay haatan ku sugan yihiin Musharraxiin dhowr ah oo u taagan hoggaanka sare ee maamulka Jubbaland. Sidoo kale waxaa jira galan gal xoogan oo ay waddo dowladda Soomaaliya oo la sheegayo in dagaal hoose ay ku jirto maamulka haatan talada haya ee Axmed Madoobe. Dowladda federaal kaayaa Muqdisho ku marti qaatay wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan oo la dejiyay xarunta NISA. Sababta uu socdaalka qarsoodiga ah ugu yimid Wasiir Janaan Caasimada ayaa la aaminsan yahay inay tahay sidii ay dowladdu u heli laheyd jaanis ay qeyb kaga noqoto doorashada ka dhaceyso maamul goboleedka Soomaaloyeed ee Jubbaland . Doorashadan ayaa la filayaa in ay qabsoonto bisha August ee soo socota, iyadoo ay sanadkan ka adagtay koo hore. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites