Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Yeeshay Bulshada Caabuudwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   
3-6.jpeg?w=1000&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Caabuudwaaq kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada.

Kulanka oo ka dhacay xarunta agoonta Taakulo ayna goob joog ka ahaayeen madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta degmada ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bulshada ku hordhigay qorshaha dowladda ee taabba gelinta hannnaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo dhiso Galmudug dhamaystiran oo horumuud u noqota horumarka deegaanka iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda federaalka ay doonayso in adeegyada bulshada ay daadejiso, si loogu guulaystana ay muhiim tahay in la xoojiyo dowlad gobaleedyada, sidaa darteed ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay mudnaan gaar ahna ay siinayso dhamaystirka hay’adaha dowlad gobaleedyada dalka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday bulshada ku nool Caabuudwaaq in dowrka uga aadan ay ka qaataan taaba gelinta doorashooyinka Galmudug iyo isu-dumidda bulshada si loo helo Galmudug nabad ah, wadajirta, lehna maamul loo dhanyahay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa deegaannada Galmudug ku jooga socdaal shaqo oo qorshihiisu yahay in Galmudug ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

1-6.jpeg?w=1000&ssl=1 2-6.jpeg?w=1000&ssl=1 3-6.jpeg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Yeeshay Bulshada Caabuudwaaq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this