Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: QORSHE ka dhan ah Axmed Madoobe oo si rasmi ah uga billowday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdrashiid Xasan Cabdi ( Janan) oo socdaal qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa halkaas ka wado kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo xubno ka socda dowladda.

Wasiir Cabdirashiid Janan oo  la dejiyay Xarunta NISA ayaa Sababta uu u imaaday Magaalada Muqdisho la aaminsan yahay inay tahay sidii ay u heli laheyd dowladda Soomaaliya jaanis ay qeyb kaga noqoto Doorashada ka dhaceyso Maamulka Jubbaland maadaama uu Axmed Madoobe diiday inay dowladda soo farageliso Doorashadaas.

Waxaa socdo qorsho kale oo arrintaas ku lamaansan oo ah sidii uu Janan u dhameyn lahaa inuu Axmed Madoobe isku soo dhiibo dowladda isla markaasna uu ku dhawaaqo inuu isaga haray Doorashada Jubbaland uuna is casilo, taasi oo dad xog ogaal ah oo u dhow Axmed Madoobe ay ku qeexeen riyo maalmeed.

Dowladda ayaa Janan usoo bandhigtay adduun lacageed oo gaarayo illaa 5 Malyan oo lacagta Mareykanka oo diyaar loola yahay in la siiyo Axmed Madoobe haddii uu aqbalo inuu sameeyo sida ay dowladda rabto.

Janan oo kasoo jeedo Beesha Madaxweyne Farmaajo ayaa ah nin awood ahaan heysto inta badan Gobolka Gedo, waxayna dowladda Soomaaliya dhawr jeer isku dayday inay iska hor keento isaga iyo Axmed Madoobe iyadoo dooneysay in khilaafka loo badalo dhanka qabiilka isla markaasna ay beesha Mareexaan diidaan inuu Maamulka Jubbalanad ka shaqeeyo deegaanada Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa illaa hadda aqbalin qorshaha ay Dowladda Soomaliya soo bandhigtay, waxaana hadda muuqato inay sii kala fogaanayaa Axmed Madoobe iyo Janan oo markii hore isku koox ahaa.

Dowladda Federaalka ayaa muddo waxay qorsheyneysay inay saameyn ku yeelato doorashada Jubbaland, iyadoo u gashay dadaal kasta oo gaaray heer dalalka deriska ay kaashato, hase ahaatee aanay weli ku guuleysan, iyadoo uu xumaaday xiriirkii Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa kasoo haray dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada ee dagaalka la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana maalmo ka hor heshiis lagula wareegay saaxiibkiis ugu dambeeyey Xaaf.

Marka ay dowladda kasoo dhamaato arrinta Galmudug, ayna xaqiijiso inay keensato madaxweyne ay raali ka tahay, waxaa dagaalka xiga ay geli doontaa uu noqon doonaa inay meesha ka saarto Axmed Madoobe.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this