Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneraalkii hogaaminayay Itoobiyaankii kusoo duulay Somalia oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis-Ababa (Caasimada Onlione) – Dowladda Itoobiya ayaa muddo laba isbuuc gudahood ah weysay labadii Jeneraal ee ugu sarreeyay ciidamada militariga wadankaasi.

Jeneraal Abraha Woldemariam oo ahaa taliyihii ciidamada Itoobiya ee hoggaaminayay duullaankii lagusoo qaaday Soomaaliya sanaddii 2007 ayaa cudurka sambaba xanuunka ugu dhintay Isbitaal ku yaal wadanka Thailand.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC-da laanta Afka Tigreega in Jeneraal Abraha Woldemariam uu dhintay iyadoona xukuumadda Itoobiya ay si aad ah uqarisay warka ku saabsan geerida Jeneraalkan sababa la xiriira isagoo madax u ahaa kumanaan kun oo askari, ahaana sarkaal saameyn amni iyo mid siyaasadeed ku dhax leh  Itoobiya.

Jeneraal Abraha ayaa hadda taliye u ahaa ciidamada dowladda Itoobiya ee gobolka Harar sidoo kale waxaa hoos imaan jiray ciidamada Xabashida ee xoogga ku heysta dhulka Soomaaligalbeed.

Abraha Woldemariam ayaa ah jeneraalkii labaad ee toddobaad gudihiis ay weyso Itoobiya, ayada isbuucii lasoo dhaafay bartamaha magaalada Addis Ababa lagu dilay Jeneraal Mykonin Syari oo ahaa taliyihii ugu sarreeyay ciidamada Itoobiya, sidoo kale waxaa isbuucii lasoo dhaafay gobolka Amhara lagu dilay Jeneraal Asaminew Tsige oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay Inqilaabkii dhicisoobay.

Itoobiya ayaa maraysa marxalad halis ah waxaana madaxa iskula jira qowmiyadaha kala diimaha ee wadanka halka Jeneraalladii lasoo shaqeeyay Males Zenaawi ay shirqoollo umaleegayaan Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Itoobiya kaas oo tan iyo markii uu xilka qabtay lasoo shir tagay isbedello oo ku sheegayo in uu ku dhisayo Itoobiyada cusub.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this