Deeq A. Posted June 28, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay askar ay maalin kahor ay gaari jiir-siisey gaadiidka AMISOM. Saddex ayaa ku geeriyootay dhacdadaasi oo laga soo wariyey inta u dhaxeysa Afgooye iyo isgoyska Ex-kontarool ee duleedka Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee taraafikada ee Gobolkan Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan kiiskan ayna baarayaan, ayna cadahay in gaadiid ay AMISOM leedahay uu ku lug-lahaa. Generaal Maxamed Xuseen Madaale ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay sharciga horgeyn doonto cid kasta oo ay ku cadaato falkaasi. Ehalada marxuumiinta ayuu ku booriyey in ay is-dejiyaan, isla markaana ay dowladda ku gacan-siin doonto in ay cadaaladda helaan. Saddex shaqsi ayaa laba kamid ah waxay yihiin askar ka tirsan booliska xili midka kale uu ahaa wade Mooto oo ay la socdeen. View the full article Share this post Link to post Share on other sites